U bood dhigaalka

Caddeyn Loo Waayey Dacwad Loo Haystay Shirkadda Soma Oil

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa xukunka ay gaartay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Ingriiska ee ku saabsanaa baaritaankii uu waday Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa Daran (Serious Fraud Office) oo ahaa in shirkadda Soma Oil ay siisay lacag qubarada Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed.

Xukunkaan ayaa shirkadda Soma Oil u xaqiijinaya eedeeyntii hayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socoshada cunaqabataynta Soomaaliya iyo Eriteriya in uu yahayn mid aan loo heyn cadeyn.

Natiijadan ayaa la mid ah tii ay soo saareen sanadkii hore guddi madaxa banaan ee Soomaaliya ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigaan madaxa banaan ayaan wax cadeyn ah u helin waqtigaas in heshiiska tayaynta shaqalaha ee u dhexeeyay Wasaaradda Batroolka iyo shirkadda Soma oil uu ahaa mid wax kala bedelasho ah. Wasaaraddu waxey mar walba diyaar u tahay wada-shaqeyn iyo ka hortagidda eedeymaha lidka ku ah howlaha wasaaradda.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, waxay ku dadaalaysaa dhamaystirka hawlaha ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya iyo la macaamilka shirkadaha batroolka. Wasaaradda waxay aaminsan tahay shuruudaha ugu horeeya ee batrool baaris laga sameeyo wadamada dahan sida Soomaaliya in uu yahay in la helo xeerar iyo sharci ku haboon.

Sidaa daraadeed, anagoo la kaashanayna Bangiga Aduunka, ayaan dhameystirnay dib u eegis lagu sameeyay sharciga batroolka, xeerarka iyo nidaamka maaliyadda. Wasaaraddu waxey kaloo dib u eegis ku samneeysay hanaanka heshiiska u dhaxeeynaya Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka ayadoo taageero ka heleysa Bangiga Horumarinta Africa. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa magacaabay guddi qubaro ah kana kooban qubarada wasaaradda, xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda, iyo Bangiga Aduunka si ay dib u eegis ugu sameeyaan sharciga Shidaalka Soomaaliyeed ee 2008, Hayadda Nidaaminta Batroolka iyo Shirkadda Batroolka Qaranka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya way ka warqabtaa in ku howlaha ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah in uu halis gelin karo nabadda iyo xasiloonida wadan kasta, haddii aanan la marin wado sax ah ee lagu maamulo kheyraadka ayadoo marka hore la yeelanayo aragti mideysan oo ku aadan ka faaidaysiga kheyraadka waddanka.

Sidaa daraadeed Wasaaraddu waxay ku howlan tahay iminka helida heshiis ku meelgaar ah oo ku saabsan sidii batroolka dakhligiisa iyo maamulkiisaba loo wadaagi lahaa.

Waxaan dooneynaa in aan sii wadno inta awoodeena ah fulinta waajibaadka naga saaran qaranka iyo shacabka soomaaliyeedba oo ay masuuliyadnimo iyo daahfurnaansho ku dheehan tahay.

Dhamaad