U bood dhigaalka

Ciidamada Al-shabaab Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamo badan oo Al-shabaab ah islamarkaana wata gaadiid dagaal ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ee Galmudug.

Waxaa la sheegayaa in Al-shabaab ay qabsadeen deegaannada kala ah Camaara iyo Korodhi, iyaga oo isku gadaamay deegaannadaasi.

Lama sheegin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhashay, hase ahaatee dadka deegaannadaasi ku dhaqan waxay tilmaamayaan in dhaqdhaqaaqyada shacabka la hakiyey.

Maamulka Galmudug kama aanay hadal weli deegaannadan ay Al-shabaab la wareegeen, hase ahaatee maalmahan dambe Al-shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday degaanno ka mid ah gobolka Mudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News