U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka Oo Magaalada Baladweyne Ku Xirxiray Todobo Qof Oo Looga Shakiyay Amni Darro

Sheeko:Dalka

Howlgallo dad lagu soo qabqabtay ayaa ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan saacadihii la soo dhaafay.

Howlgalladani oo amniga magaalada lagu sugayay ayaa waxaa sameynayay ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka gaar ahaan kuwa Booliska waxaana lagu soo qabqabtay dad gaaraya illaa 7 ruux kuwaas oo ciidamada ay ka shakiyeen intii uu howlgalka socday.

Taliyaha booliska degmada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle) ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay had iyo jeer ku howlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaaladaas.

Waxa uu sheegay taliyaha in dadka la qabqabtay ay baaritaanno mari doonaan islamarkaana dadka ay u sheegayaan in ay isdejiyaan inta ay socoto baarista iyadoo ay tixgalinayaan sharciga.

Dhanka kale, taliyaha booliska Baladweyne Cali Dhuux Cabdi wuxuu ka hadlay amarro horay uu u soo saaray taliska booliska ee magaalada Baladweyne isla markaana farriin u diray shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

“Si Nabadgalyada loo sugo hadda ka hor amarro ayaa maamulka ka soo baxay sida in baabuurta miyaaradaha madow laga fiiqo iyo si meelaha dadku isugu yimaadaan aan la dhigan Karin baabuurta si loo xaqiijiyo ammaanka, waxaan ku celinayaa in baabuurta miyaaradaha madow ay fiiqaan, baabuurtana aan la dhigi Karin meel aan munaasab ahayn” ayuu yiri taliyaha booliska.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee magaalada Baladweyne ay tahay mid wanaagsan isagoo dadka shacabka ah ugu baaqayaan inaysan ku degdegin wax ka dhihidda dadka eedeysanayaasha ah oo ciidamada amnigu ay xirxireen lagana war sugo inta ay baaristu socoto.

Howlgalladaan ay ciidamada Booliska dowladda federaalka ka sameeyeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa socday 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Goobjoog News