Ciidamada Asad Oo Mucaaradka Siiyay Digniinta Ugu Dambeysa

Ciidamada Nidaamiga ee Asad ayaa waxaa ay mucaaradka dalkaasi ku sugan bariga Xalab siiyeen digniintii ugu dambeysay ee ay uga baxayaan magaalada.
Ciidanka ayaa waxaa ay wadaan daad-gureynta rayidka iyo dadka ku haray magaaladaas ay mucaaradka heysteen mudadii 4-ta sano ee la soo dhaafay.
Mas’uul u hadlay mucaaradka hubeysan ayaa waxaa uu sheegayaa in aaney ka tagi doonin magaalada tan iyo inta ay ka baxayaan dhamaan rayidka halkaas ku sugan.
Asad ii garab ka helaya Ruush-ka, Iran iyo wadamo kale ayaa waxaa uu dil iyo barakac ku wadaa malaayiin ku nool mid ka mid ah magaalooyinka ugu weyn dalka suuriya
Goobjoog News