U bood dhigaalka

Ciidamada Austria Oo Xiray Muwaadin Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska dalka Austria ayaa xabsiga dhigey muwaadin Soomaaliyeed oo la sheegay inuu weerar ku qaadey Isbitaal lagu daweeyo haweenka madaxa looga jiro.

Warbaahinta Austria ayaa soo warisey ninkaan Soomaaliga ah oo dalkaasi qaxooti ahaan ku joogey inuu jabsadey Isbitaalkaasi, islaamrkaana uu isku dayey inuu kufsado mid kamid ah haweenka madaxa looga jiro ee halkaasi ku jirey, laakiinse weli isagu arrinkaasi ma aanu qiran.

Muwaadinkaan Soomaaaliyeed ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 18-sano jir, waxaana hadda su’aallo weydiinaya dambi barista Austria.

Sarkaal u hadlay Booliiska Austria ayaa sheegay iney socoto baaritaanka ninkan, islamarkaana ay warbaahinta wixii macluumaad ah siin doonaan marka ay dhammeeyaan barista.

Haddii ay Booliiska dhammeeyaan baaritaanka ay ku hayaan Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa wuxuu wajihi doonaa Maxkamad.

Goobjoog News