U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Howlgal Ay Dad Ku Qabteen Ka Sameeyay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayey islamarkaana dad badan ay ku qabteen waxay ka sameeyeen deegaanka Lambar 50 ee Shabellaha Hoose.

In ka badan 10 qof ayaa la xaqiijiyey in ciidanka ay ku qabteen howlgallada kadib markii shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal ay ciidanka la galeen Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa si kooban warbaahinta ugu sheegay in dadka lasoo qabtay baaritaan la marsiin doono islamarkaana cidda dambi lagu waayo lasii deyn doono.

Al-shabaab ayaa shalay dagaal xooggan waxay ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Lambar 50, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Maamulka deegaanka Lambar 50 waxa uu xaqiijiyey in ciidanka dowladda ay halkaasi uga dhimatay 5, dhanka Al-shabaabna uu jiro khasaare intaasi ka  badan.

Goobjoog News