U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamaya Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka bilawday dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa bilwday sida la sheegay kadib markii dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay Afgooye ku lahaayeen ciidamada dowladda.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana jira rasaas habow ah oo kusoo dhaceysa xaafadaha ay ku dhaqan yihiin dadka shacabka ah ee degmada Afgooye ku nool.

Waxaan isku daynay inaan xiriir la sameynayo maamulka degmada Afgooye, hase ahaatee inooma suurtagelin in mas’uuliyiinta maamulkaasi aanu qadka taleefanka ku helno.

19-kii bishan ayaa Al-shabaab sidan oo kale waxay weerar xooggan ugu soo qaadeen degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News