Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Degmada B/xaawo Ee Gedo

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada B/xaawo ee gobolka Gedo waxay ka wadaan howlgallo la sheegay in lagu baadi goobayo rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha saldhigga Booliiska degmadaasi Xuseen Aadan Dhaqane ayaa sheegay inay ka war heleen in Labo ka tirsan Al-shabaab ay degmada gudaha usoo galeen islamarkaana ay wadaan baadi goobkooda.

“Labo ka mid ah nimankii nabad diidka ah ayaan maqalnay in magaalada ay soo galeen iyagii ayaan raadineynaa, dhinaca kale howlgallada maalmahan waan wadnay sababtoo ah nabad diidku magaaladii bay qas ku wadaan” ayuu yiri taliyaha.

Dhinaca kale taliyaha saldhigga Booliiska degmada B/xaawo ayaa sheegay inay baadi goobayaan gaari nooca gurmadka degdegga ah oo Isbitaalka degmada B/xaawo ka dhaceen rag ka tirsan Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab ayaa weraro ka fulisa degmada B/xaawo ee gobolka Gedo, waxaana degmadaasi maamula maamulka Jubbaland.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW