Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Jowhar, Sh/dhexe

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo ay ka wadaan degmada Jowhar ee xarunta gobolka shabellaha Dhexe, halkaasi oo xalay lagu dilay taliyahii ciidanka nabad sugidda ee gobolkaasi C/weli Ibraahim Maxamed.

Wararku waxay sheegayaan in dilka taliyaha loo xiray qaar ka mid ah ilaaladiisii, sidoo kalena waxaa la sheegay inuu baxsaday askarigii dilka ka dambeeyay oo ciidanku haatan baadi goobayaan.

Afhayeenka maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay wadaan baaritaanka qaabka dilkan uu u dhacay.

Abaare 7-dii fiidnimo ee xalay ayaa rasaas laga dhex maqlay xerada ay ciidanka nabad sugidda ka deggan yihiin degmada Jowhar, waxaana rasaastaasi ay ahayd mid lagu dilay taliyaha, waxaana ku dhaawacmay ku xigeenkiisa.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka taliyaha Nabad sugidda dowladda Federaalka ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW