U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Qoryooley, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo waxay ka wadaan degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose kadib qarax ka dhacay magaalladaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Qoryooley Cabdi Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkan yahay mid amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa uu sheegay inay baadi goobayaan raggii ka dambeeyay qarax Bam oo shalay ka dhacay degmada Qoryooley.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in howlgalkaan uu yahay mid ay ku doonayaan in amniga degmada uu noqdo mid hagaagsan, balse ma aanu sheegin in dad ay soo qabteen iyo in kale.

Amniga degmada Qoryooley ayaa maalmahan dambe faraha kasii baxayey, waxaana socday howlgallo ay ciidanka wadaan.

Goobjoog News