U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Hawgallo Kawada Magaalada Buurane Ee Gobolka Sh/ Dhex

Sheeko:Dalka

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Mahadaay ee gobolka shabeellada  dhexe  ayaa saaka kawada  hawlgalo  magaalada iyo deegaannada hoos yimaada.

Ciidamada ayaa hawlgalkaan waxay ku baadi goobayaan inay ku ogaadaan waxa dhaliyay qarax shalay ka dhacay magaalada Mahadaay  kaasoo geestay dhaawaca in kabdan 7 qof.

Saalax fulaan Gudoomiye ku  Xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Degmada Mahadaay ee gobolka shabellada dhexe  ayaa waxa uu xaqiijiyay in saakay ay ciidamada Dowladda Soomaaliya hawlgallo ay kawadaan magaalada Mahadaay waxa uuna sheegay inay hawgallada ay siwanaagsan usocdaan .

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamada ay ku daba jiraan  shaqsiyaad uu sheegay inay ka shakiyeen  isla markaana ay soo bandhigi doonaan  haddii ciidamada ay ku guulaystaan hawlgalkooda .

In ka badan 7 qof ayaa ku dhaawacantay oo u badan dad shacab ah qarax dhacay deegaanka Buurane ee gobolka shabellada dhexe kuwaas oo xaaladdooda caafimadaa lagu dabiibayo Ispitaal ku yaallo magaalada Jowhar .

Goobjoog News