U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Dilay Seddax Askari Oo Kenyan Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in Seddax Askari oo Kenyan ah ku dileen xadka kala qeybiya Labada dal, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Marsaxbit.

Wararka ayaa seegaya in ciidamada Itoobiya ay dhanka Xuduuda iska horimaad kula galeen maleeshiyaad ka tirsan ururka OLF ee Oromada, waxaana intaasi ka dib la’isla soo galay gudaha Kenya.

Seddax Askari ee Kenyanka ayaa la sheegay in xilliga la dilayay ay ku jireen howlgal Roondo ah oo amniga ku xaqiijinayeen.

Xiisad ayaa arrintaasi ka dhalatay, waxaana la sheegay in dowladda Kenya ay ciidamo badan geysay xadka ay wadaagaan Labada dal.

Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in Shan jeer ay gudaha Kenya galeen tan iyo bishii March , gaar ahaan deegaanada Moyale iyo Sololo.

Dowladda Itoobiya weli kama aanay hadal falkaasi ay geysteen ciidamadeeda, hase ahaatee Kenya ayaa sheegaysa in cabashada xadgudubka ciidamada Itoobiya ay dhowr jeer ugu gudbiyeen dowladaasi.

Goobjoog News