U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Howlgal Ka Billaabay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu ka socdo howlgal ballaaran oo ay ka sameynayaan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Itoobiya.

Maamulka degaankaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya howlgalka ay ka billaabeen degaanka Ceelcali uu socon doono illaa muddo bil ah si loo hanto guud ahaan amniga degaannada ku xeeraan Ceelcali.

Guddoomiyaha degaanka Ceelcali Aadan Cali Fiidow ayaa sheegay in illaa seddex degaan oo jihooyinka Galbeed iyo waqooyiga oo uu sheegay inay rumeysan yihiin in weli ay ku harsan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Alshabaab.

“Ciidamada Itoobiya howlgalka ay billaabeen waa mid ballaaran oo looga saarayo Alshabaab degaannada duleedka naga xiga oo ay nimankaasi ku sugan yihiin maxaa yeelay horay ayaa gudaha degaanka loo nadiifiyay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Aadan Fiidow ayaa tilmaamay in xaaladda degaankaasi ay deggan tahay oo ay weerar madaafiic ah ku qaaday Alshabaab, wuxuu sheegay in wax khasaare ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gaaray aynaan jirin.

Degaanka Ceelcali ee Gobolka Hiiraan ka tirsan ayaa magaalada Baladweyne wuxuu u jiraa qiyaas dhan 75Km wuxuuna kaga beegan yahay jihada galbeed ee magaaladaasi.

Ciidamada dowladda federaalka ayaa la soo sheegayaa in howlgalkani ay ku wehliyaan ciidanka Itoobiya ee ku sugan degaankaasi.

Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimaha ay ku leeyihiin gobolka Hiiraan sida Ceelcali iyo Halgan ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca weerarro ay geystaan rag hubeysan oo lagu sheego inay yihiin Alshabaab kuwaasoo ay ka dhashaan khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo labada dhinac ah iyo dadka shacabka.

Goobjoog News