U bood dhigaalka

Ciidamada Itoobiya Oo Howlgallo Ka Wada Bariga Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degaannada bari ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay ka soconayaan howlgallo ay sameynayaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ee gobolkaasi ku sugan.

Degaannada ay ciidanka Itoobiya howlgallada ka wadaan waxaa kamid ah degmada Ceelbuur iyo degaanno hoostaga.

Dadka degaanka u sheegay Goobjoog News in la arkayo ciidamo wata gaadiid dagaal oo gaaf wareegaya degaanno duleedka kaga beegan Ceelbuur.

Degaannada ka tirsan dhanka bari ee gobolka Galgaduud ayaa qaarkood waxaa maalmihii dambe ka jiray dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM iyo sidoo kale Xarakada Alshabaab.

Xarakada Alshabaab dagaalyahanno ka tirsan ayaa dhaqdhaqaaqyo ka waday degaanno ay isaga guureen ciidamada huwanta ah.

Dhaqdhaqaaqyadani ciidan ee ka jira gobolka Galgaduud ayaa saameyn ku yeeshay nolosha qoysas badan kuwaas oo ka hayaamay degaannadooda islamarkaana dul saar ku noqday degaanno kale oo ku yaalla gobollada deriska la ah gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan dhanka bari ee gobolka Galgaduud oo aan la xiriirnay ayaa inoo suurtagalin inaan ka helno wax jawaab ah oo ku aadan dhaqdhaqaaqa ciidan ee socda.

Goobjoog News