U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Ayaa Sheegay Inay Ku Shaqeeyaan Amarka Hawlgalka AMISOM Oo Aysan Saameyn Ku Lahayn Siyaasadda.

Sheeko:Dalka

Iyadoo xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Muqdisho iyo Nairobi ee salka ku haysa xudduud badeedda ay ka sii dareyso Kenyana ay mamnuucday duulimaadyadii sida tooska ah uga soo bixi jiray Muqdisho ee tagi jiray garoonka Jomo Kenyata ee magaalada Nairobi amartayna in duulimaadyada ay marka hore ku dagaan garoonka magaalada Wajeer.

Waxay Kenya sidoo kale qaadday tillaabo kale oo cadaadis lagu saarayo Soomaaliya markii ay u diidday mas’uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya inay gudaha u galaan Kenya waxayna arrintaan mugdi gelisay hawlgallada milatari ee Kenya ka wadday Soomaaliya iyadoo labada dalba ay ka war sugayaan xukunka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda si loo dhammeeyo muranka xudduud badeedda ee labada dal.

Ciidamada dalka Kenya ayaa muddo todobo sano ah gacanta ku hayey garoonka iyo dekedda magaalada Kismaayo tan iyo markii Kismaayo lagala wareegay Xarrakada Alshabaab sannadkii 2012kii.

Muranka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaan saameyn ku yeelan iskaashiga milatari ee waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Waxaa jiray warar sheegaya in ciidanka Kenya ay qorsheynayaan inay ka baxaan dalka Soomaaliya kaddib markii qilaafka labada dal uu sii xoogeystay.

“Arrimaha siyaasadda la xiriira waxaa wax looga qaban doonaa heer siyaasadeed, annagana waxaan hadda ilaalineynaa sharciyaddeenna, hawlgalka iyo ujeedda waa 2018 illaa 2021.” Waxaa hadalkaan saxaafadda u sheegay Meshag Keshoyan oo ah taliyaha ciidamada lugta ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Su’aasha ku saabsan goorta ay ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya ma cadda ciidankuna waxay u muuqdaan kuwo aan daneyneyn inay arrimaha siyaasadda saameyn ku yeeshaan laakiin waxay si buuxda uga war-hayaan amarka ay u haystaan hawlgalka AMISOM ee soconaya sannadaha 2018 illaa 2021.

Ciidamadu waxay sheegeen inay hadda kala talinayaan ciidamada Qaranka Soomaaliya hawgallada si wadajirka ah loo qabto ee lagu xaqiijinayo ammaanka dalka Soomaaliya.

“Waxaan si aad ah u hubnaa innagoo aaminsan ujeedka hawlgalka kaasoo ku socda si tartiib ah ineynaan bixin AMISOM ahaan illaa ciidanka Soomaaliya ay awood u helaan sidii ay ula wareegi lahaayeen hawlgalka” ayuu yiri taliyuhu.

Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa inay Dekedda Kismaayo u isticmaalaan dhoofinta dhuxusha sida mas’uuliyiin Kenyan ah iyo ururro caalami ahba sheegeen laakiin arrintaan waxaa iska fogeeyey Meshag Keshoyan oo ah taliyaha ciidamada lugta ee Kismaayo jooga.

“Amniga dekedda ayaan sugnaa laakiin dowladda Jubbalanad ayaa dekedda maamusha iyo xataa garoonka diyaaradaha, annaga amniga ayaan xaqiijinnaa iyaguna wey maamulaa.” ayuu yiri Keshoyan.

KTN.