U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Lamu, Kenya

Sheeko:Dalka

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar saf ballaaran ah ay ku qaadeen gabaldhacii Taladaada (shalay) kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya.

Ciidamada Kenya oo marayey waddo isku xirta Wittu iyo Gamba oo ka tirsan Lamu ayaa la sheegay in dagaal xooggan ay kala kulmeen Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Larry Kieng, taliyaha ciidamada Booliiska ee Lamu ayaa sheegay in markii Al-shabaab soo weerarayeen ciidankooda ay galbinayeen Basas badan oo shacab saarnaa, waxaana meel howt ah uga soo  baxay dagaalyahanno hubeysan.

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhinteen 4 kamid ah ciidamada Kenya, sidoo kalena laga gubay Saddex gaaro.

Taliye Kieng waa uu beeniyey in dhankooda gaadiid laga gubay, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay nabad qabaan dhammaan shacabkii ay galbinayeen.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, iyadoo marar badan sidan oo kale ay u weerareen gaadiid ay la socdeen ciidamada Kenya.

Goobjoog News