U bood dhigaalka

Ciidamada Kenya Oo La Sheegay In Gobalka Gedo Ay Ku Dileen Qof Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in nin xoolo dhaqato ah ay ku dileen deegaanka lagu magacaabo Daaru Salaam ee gobalka Gedo.

Mid ka mid ah waxgaradka ku sugan deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamo badan oo ka yimid degmada Wajeer ay rasaas ku fureen shacab xoolo dhaqato ah, iyadoo halkaasi uu ku dhintay ninkaasi.

“Ciidamada Kenya shacab badan ayeey rasaas ku fureen, waxaa halkaasi ku dhintay nin xoolo dhaqato ah, waa ciidan ka yimid degmada Wajeer, meydka xiraa waa lasoo qaadi waayay, meesha dhan wey xirteen” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka Gedo.

Ugu dambeyn deegaankii dilka uu ka dhacay ayuu sheegay in weli xaalad ahaan ay aad u kacsan tahay, islamarkaana laga baqayo in ciidamada Kenya ay waxyeelo kale geystaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la sheego in ciidamada Kenya ay dad shacab ah ku dileen gobalka Gedo, sidaan oo kale waxaa horay u dhacday dilal loo geystay dad reer Baadiye ah.

Goobjoog News