U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Iyo Kuwa Galmudug Oo Isku Rasaaseeyay Gaalkacyo Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sheeko:Dalka

Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay kadib markii israsaaseyn ay maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay inay isku rasaaseeyeen Suuqa weyn ee Darxumo, halkaasi oo  khasaarahan uu ka dhashay.

Dadka magaalada ayaa u sheegay Goobjoog News in la dareemayo xiisad dagaal oo labada dhinac ah, magaaladana waxaa ka jirta cabsi daran.

“Israsaaseynta waxay ka dhacday suuqa Darxumo ee Gaalkacyo waxaa ku dhintay hal nin waxaana dhaawacmay nin kale” ayuu yiri qof degaanka ah.

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa weli ka hadlin israsaaseyntaan ka dhacday maanta suuqa Darxumo ee magaalada Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News