U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Lagula Eegtay Duleedka Boosaaso

Sheeko:Dalka

Qarax Miino ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagula eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasi oo saarnaa gaari nooca dagaalka ah.

Gaariga miinada ay ku qaraxday ayaa kamid ahaa kolonyo ay la socdeen ciidamada Puntland, kuwaasi oo marayey deegaanka Sugurre ee  duleedka Boosaaso.

Miinadan ayaa ku aasneyd wadada dhinaceeda, waxaana lasoo sheegayaa in burbur xooggan uu soo gaaray gaarigii ay ku qaraxday, waxaana jira khasaare dhaawac u badan.

Inkastoo khasaaraha rasmiga ah aan lahayn ayaa hadana wararka waxay sheegayaan in Isbitaalka Boosaaso la geeyay askar dhaawac ah, kuwaasi oo qaarkood xaaladooda adag tahay.

Maamulka gobolka Bari, kan Boosaaso iyo saraakiisha ciidamada Puntland weli kama aanay hadal qaraxan dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News