Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaallamay Degmada Kaaraan Ee Muqdisho
Sheeko:Dalka
Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ku dagaallameen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhaawac u badan, iyadoo ciidamadan la sheegay iney isku haystaan arrimo dhul la xiriira.
Shacabkii ku dhaqnaa nawaaxiga halka ay ku dagaallameen ciidamadan ayaa la sheegay in xaafadahooda ay ka barakaceen si aanay dagaalkaasi u saameyn.
Wararka ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in sidoo kale halka lagu dagaallamay ay gaareen ciidamo kale oo dowladda ah, kuwaasi ka qeybqaadanayey daminta dagaalkaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News