U bood dhigaalka

Ciidanka Liyuu Booliska Oo Weeraray Degaanka Kaxandhaale

Sheeko:Dalka

Warar degdeg ah oo iminka naga soo gaaray degaanka Kaxandhaale ee ku dhow xuduudda uu gobolka Galgaduud la leeyahay dalka Itoobiya ayaa ku warramaya in dagaal uu ka socdo halkaasi.

Dagaalkani ayaa u dhaxeeya ciidanka Liyuu Booliska ee Itoobiya iyo dad xoolo dhaqato ah, waxaana dagaalkaan uu yimid markii ciidanka Liyuu Booliska ay soo weerareen dadka xoolo dhaqatada ah ee degaankaasi deggan.

Inta la og yahay seddex qof ayaa dhaawacantay oo kamid ah dadkii shacabka ee ay soo weerareen Liyuu Booliska.

Warar laga helayo degaanka Kaxandhaale oo Cadaado u jira qiyaastii 70KM ayaa sheegaya ciidanka Itoobiya ay wateen qaar kamid ah dadka degaanka oo ay weerarka ku soo qaadeen.

Lama oga sababta ka dambeysa dagaalka Kaxandhaale waxaana la soo sheegayaa in ciidanka Itoobiya ay ka qeyb qaadanayaan colaad u dhaxeysa beelo walaalo ah oo wada deggan degaanka Kaxandhaale iyo degaanno ku dhow dhow ee xadka Itoobiya xiga.

Goobjoog News