U bood dhigaalka

Ciidanka NISA Oo Muqdisho Ku Qabtay Gaari Laga Soo Buuxiyeey Walxaha Qarxa

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay gacanta ku dhigeen gaari la sheegay inay saarnaayeen walxaha qarxa.

Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa xaqiijiyey qabashada gaarigan iyo walxaha ku xirnaa.

Gaarigan oo noociisu yahay Zuzuki ayaa lagu qabtay suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan qeybta Dawada.

Waxay sheegeen saraakiil u hadashay NISA in ay hayeen xogo ku aadan gaarigan iyo macluumaad kale oo gaarigan ku saabsan.

Ciidanka NISA sidan oo kale waxay magaalada Muqdisho ugu qabteen gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Goobjoog News