U bood dhigaalka

Ciidanka NISA Oo Qabtay Gaari La Sheegay In Loo Adeegsaday Dilal Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad Suggida iyo sirdoonka qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay gaari noociisa uu yahay NOHA oo la sheegay in loo adeegsaday dilal 48-saac ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayo oo ciidamada NISA ay ka sameeyeen Degmada Dharkeenley ayaa waxaa suuragashay ciidamada inay gacanta ku soo dhigaan gaarigaan.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen gaarigaasi inay kusoo qabteen Hal qof oo darawal ahaa oo kaxeynayay gaariga, xilligii la qabanayey.

Gaarigaan ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen, ayaa Labadii maalin ee lasoo dhaafay Degmada Dharkeenley waxaa loo adeegsanaayay falal liddi ku ah ammaanka.

Ciidan badan oo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu daadiyay Degmada Dharkeenley, kuwaasi oo shalay waday dabagalka iyo Baarista la xiriirta gaarigan dilalka qorsheysan lagu fuliyay.

Gaariga la soo qabtay ayaa hadda waxaa loo kaxeeyay xarumaha Baarista ee Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News