U bood dhigaalka

Cudurka Jadeecada oo Ka Dilaacay Baardheere iyo Tuulooyin Kale

Sheeko:Dalka

Cudurka Jadeecada oo ka dilaacay degmada Baardheere iyo Tuullooyinka hoos yimaada ayaa sameeyay carruur iyo dad kaloo da’ ah oo ku nool degmadaasi.

Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada Caafimaadka  ee ka howlgala xarumaha caafimaadka degmada Baardheere ayaa waxay sheegeen in Cudurka Jadeecada oo ka mid ah Lixda cudur ee dilaaga ah,  uu ka dilaacay degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaada, kaa oo caruur badan ay la’il daran yihiin.

Cabdinaasir Abshir waa Madaxa MCHka Bisha Cas ee degmada Baardheere ,waxaana GOOBJOOG uu u xaqiijiyey in Cudurka jadeecada uu ka dilaacay degmada iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaada,isagoo sheegayna xaruntooda Caafimaadka iyo xarumaha kale ee ku yaala degmada maalin weliba ay soo gaaraan bukaano la liita Jdeecada.

“degmada Baardheere waxaa ka furan ilaa afar xarun Caafimaad ,xarunteena bisha Cas oo keliya bishan iyo bishii hore waxaan u diiwaangelinay Cudurka jadeecada ilaa 78 ruux oo u badan caruur,halka ilaa 3 caruur ahna ay u geeriyoodeen Jadecada oo ka dilaacay deegaanka sidaasi waxaa GOOB JOOG u sheegay Cabdinaasir Abshir.

Sababaha keenay in Cudurka jadeecada  uu ka dilaaco degmada Baardheere iyo tuullooyinka hoos yimaada ayey dhaqaatiirtu ku sheegeen saxada oo liidata, helitaanka biyaha oo adag qaar ka mid ah Tuullooyinka  iyo 6dii sano ee la soo dhaafay oo wax talaal ah aan laga hir gelin degmada iyo tuullooyinka hoos yimaada.