U bood dhigaalka

Culimada Magaalada Gaalkacyo Oo Isku Qilaafsan Qiblada

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka jiray muran la xiriira halka ay jirto qiblada, taasi oo ay isku haysteen culimada ku dhaqan magaaladaasi.

Waxaa hadda dood ay ka taagan tahay sax ahaanshiyaha Qiblada hadda loo tukado ee magaalada Gaalkacyo, waxaana culimada qaar ay soo jeediyeen in hadda la saxo qiblada.

Sheekh Muxyadiin Barre ayaa qaba in xilligaan ay waajib tahay in la jeediyo Munaaradaha masjidyada ku yaalla Gaalkacyo in laga jeediyo sida ay hadda yihiin.

“Gobolka Mudug oo aan annaga joogno dadka ku sugan waxaa waajib cayni ah ku ah qofka salaadda tukanaya oo rabo inay salaadisa an saxdo in Waqooyi quman marka uu Gaalkacyo joogo 26 darajo ka leexdo, waxaa weeye masaajidda culimo ma aanay aas aasin, dad aqoon u leh qiblada iyo jihooyin si ay isugu aadan yihiin ma aanay aas aasin, rag fuundiyaal ah baa dhisay, waxa lagu dhisay aalad qaldan”

Culimada kale ayaa kasoo horjeeda in xilligaan la abuuro jiho cusub, waxayna sheegeen in taasi ay abuuri karto khilaaf soo kala dhexgala culimada Gaalkacyo sida uu qabo Sheekh Cali Cabdullaahi oo ka mid magaaladaasi.

“Qof hadda tusaya qibladii oo leh waa tan ma jirto, qof basar iyo basiir kaga waramaya hadda maba hayno, laakiinse waxaa muhiim ah in qof walbo cibaadadiisa u guto si sharci ah isaga oo dadka nabad gelinaya oo qof kale cibaadasiisa faro gishaneyn”

Shacaba Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe aad ugu wareersanaa hadallo kala duwan oo kasoo baxayey culimada, sababtuna waxay tahay waxay culimada qaar ay sheegayaan in hadda sida loo tukado aanay sax ahayn islamarkaana la doonaayo in hadda wax laga bedalo sidaasi, balse arrintan waxaa kahor yimid culimo kale.

Goobjoog News