U bood dhigaalka

Cumar C/rashiid Oo Ka Tanaasulay Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Musharrax Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa hadda ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha.

Cumar ayaa kamid ahaa musharraxiintii Afarta ahaa ee usoo gudbay wareegga Labaad, wuxuuna doorashadii wareegga Koowaad uu helay codad gaarayey 37.

“Maadaama aan ahay musharraxii ugu tirada yara Afarta musharrax ee soo gudubtay, waxaan go’aan ku gaaray inaan ka tanaasulo doorasha” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Waxaa hadda wareegga Labaad isku soo haray musharraxiinta kala Xasan Sheekh Maxamuud, Mxamed C/laahi Farmaajo iyo sidoo kale Shariif Sheekh Axmed.

Goobjoog News