U bood dhigaalka

C/weli Sheekh Axmed “Ma Ogin Qaab Sharciyeed Uu Madaxweynaha Kusii Fadhin Karo Kursiga”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka C/weli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu kursiga ka dego, maadaama ay maanta ku egtahay Afartii Sano ee Baarlamaanka Federaalka u doorteen madaxweynaha.

Hadal uu shalay ka jeediyey C/weli Sheekh Axmed kulan ay yeesheen Isbahaysiga Xisbiyada dalka ayuu ku sheegay in Madaxweynaha hadda laga doonayo inuu Kursiga banneeyo, sidoo kalena uu kasoo baxo madaxtooyada Soomaaliya.

C/weli Sheekh ayaa tilmaamay in hadda aanay muuqan sharci u ogolaanaya madaxweyne Xasan in uu talada dalka sii hayo.

“Madaxweynaha Waqtiga wuu ka dhammaaday, mana ogin qaab  sharciyeed oo  madaxweynaha kusii joogi karo kursiga, Xasan Sheekh wey kaa dhammaatay waqtigii ay dadka Soomaaliyeed ku jaangooyeen inaad maamusho dalkaan ama aad hoggaamiso, hadda waxaad la mid tahay musharraxiinta,  Kuriga waad ka degaysaa, Villa Soomaaliya oo dadkii u dhaxeysay waad kasoo baxaysaa, gaadiidka aan xabaddu karin annagaba ma haysanno, meesha aan joogno meel ka liidata lagu geyn maayo, dadkaaga ayaad ka mid noqoneysaa, meel dadka u badan yahay baad imaaneysaa markaas waad isa soo sharraxeysaa sida ay dadka kale isku soo  sharaxeen, waxaan ku  leenahay ha isku adkeyn meesha, waxaan  ognahay dad badan oo isku adkeeyay oo dhibaato kala kulmay dalka iyo dadkana dhibaato u keenay” ayuu yiri C/weli Sheekh Axmed.

10-kii September 2012 baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilka madaxweyne muddo Afar Sano ah u doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjoog News