U bood dhigaalka

Daadir Amiin “Aad Baan Ugu Faraxsanahay In Aan Helno Stadium Muqdisho”

Luuliyo 11, 2020

Macallin ku xigeenka kooxda Muqdisho City Club Daadir Amiin Cali ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay dib u soo celinta garoonka Stadium Muqdisho oo ay Dowladda ku samaysay dib u hagaain,tan iyo markii ay kala wareegeen Ciidamada Amisom sanadii 2018.

30-June 2020 ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xarigga ka jaray garoonka Stadium Muqdisho waxaana mudo 16-sano ka dib kulankii furitaanka kuwada dheelay kooxaha Muqdisho City Club iyo naadiga Horseed waxaana ciyartaa 2-1 kun badiyay kooxda Horseed.

“ Waxaan ku hami weynaa in aan ku ciyaaro garoonka Stadium Muqdisho,balse waxaa faraxad ii aheyd anigoo macallin in aan mudo dheer ka dib ku dheelno garoonkaas qiimaha badnaa,waxaan u mahad celinaynaa cid walba oo kaalin ka geesatay soo coo celintiisa” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababare ku xigeenka naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

Halkan Ka Daawo Macallin Daadir Amiin Cali Oo Ka Hadlay Soo Celinta Stadium Muqdisho