U bood dhigaalka

Dacwad Ku Saabsan Khilaafka Xisbiga UCID oo Ka Bilaabaneysa Maxkamadda Sare ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maalinimada Axadda ah ee soo aaddan bilaabaysa dhageysiga dacwadda khilaafka xisbiga UCID ee u dhexeeya labada garab ee ay kala hoggaamiyaan musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamaal Cali Xuseen iyo Guddomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa goobjoog u noqonaya dhamaan dhinacyada is khilaafsan ee xisbiga, iyadoo la filayo in xisbiga khilaafkiisa halkaa lagu soo gabagabeeyo oo maxkamaddu ay go’aan kama dambeys ah ka qaadato.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maxkamadda sare u gidbiyaya dacwaddan isagoo racfaan ka qaatay go’aan ay maxkamadda koowaad ka gaartay khilaafka xisbiga, go’aankaas oo ku qotomay in xisbigu uu shirweyne qabsado ka dibna la doorto murashaxa xisbiga iyo xubnaha kale ee maamulka xisbiga oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga.

Xisbiga UCID ayaa mudooyinkii dambe kala qeybsanaa oo u kala jabay labo garab, taas oo daciifisay tartankii xisbiga ee hanashada madaxtooyada Somaliland.

Goobjoog News