U bood dhigaalka

Dadkii Kasoo Barakacay Deegaannada Kaxandhaale Iyo Daacdheer Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Dadkii ka soo barakacay deegaannada Kaxandhaale iyo Dacdheer oo ku yaalla gobolka Galgaduud gaar ahaan dhanka xadka Itoobiya kuna sugan qaarkood deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa ka cabanaya xaalado dhanka nolosha ah.

Dadkani oo ku sugan deegaanno ka fog fog magaalooyinka ayaa waxaa heysta xaalado isugu jira biyo la’aan, caafimaad darro iyo raashin la’aan.

Maryan Sheekh Xasan Jaamac oo kamid ah ururrada bulshada gobalka Mudug oo muddooyinkii dambe waday dadaallo loogu gurmanayo dadkaasi ayaa u sheegtay Goobjoog in dadkani waxa ugu daran ay yihiin biyo la’aan.

Waxay sheegtay in biyo dhaamin ay u sameeyaan iyadoo bulshada gobalka Mudug iyo dadyow kale ay isku xilqaameen u gurmashada dadkaasi.

“Dadkani ma haystaan wax ay cunaan ama ay cabaan, waa dad sidii ay usoo barakaceen aan gurmad rasmi ah haysan marka laga reebo biyaha yar ee innagu u geyno” ayeey tiri Maryan.

Wararka laga helayo Kaxandhaale iyo Dacdheer oo ku yaalla xuduudda uu gobalka Galgaduud la wadaago Itoobiya weli waxaa ka taagan colaad beeleed saameyn ku yeelatay nolosha dad badan oo degganaa deegaannadaasi.

Dadkii kasoo barakacay deegaannadan waxay sheegeen in si awood ah usoo eryeen ciidanka Itoobiya iyo kuwa Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Goobjoog News