U bood dhigaalka

Dagaal Dib Uga Billowday Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maalintii labaad uu ka soconayo dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh kaasoo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo ka socda meelo ku dhow dhanka galbeed ee Gaalkacyo oo uu shalay ka qarxay waxaa khasaaraha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca uu gaaray dhinacyada dagaallamaya marka laga reebo dad shacab ah oo qaarkood ay rasaasta wiifto ahaan ugu tagtay guryahooda.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in magaalada gudaheeda laga maqlayo hub culus islamarkaana dhinacyadu ay isku adeegsanayaan.

Dagaalkani oo shalay subax waaberigii ka qarxay xaafadda Garsoor ee galbeedka Gaalkacyo ayaa waxaa dhinacyada dagaallamaya ay isla aadeen dhanka dhulka miyiga ah kadib markii dagaalka oo dib ka qaraaraaday.

Maamullada Galmudug iyo Puntland oo hadlay ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu leeyahay masuuliyadda dagaalka oo dhankooda lagu soo qaaday.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa iska yara deggan oo qudheeda looga baqanayo in dagaalku uu ku soo fido maadaama dhinacyada dagaallamaya ay ka kala arrimiyaan.

Dadka shacabka ah ayaana cabsi ka qaba dagaalkani inkastoo adeegyada bulshada ee Gaalkacyo sida waxbarashada iyo ganacsi ay si caadi ah ku shaqeynayaan.

Goobjoog News