U bood dhigaalka

Dagaal Ka Billowday Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhow ka billowday dagaal u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Inkastoo cidda weerarka dagaalkaan lahayd aan la ogeyn, hadane waxay dadka ku sugan Gaalkacyo ku baraarugeen rasaas culus oo dushooda ka dhaceysa.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana wararka ay sheegayaan in dhinacyada dagaallamaya ay isku adeegsanayaan hub culus.

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa Gaalkacyo ka jirtay xiisad u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo marar badan ay dhinacyadaan ku dagaallameen magaaladaasi.

Warkaan wixi kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News