U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo gelinkii dambe ee shalay illaa xalay fiidkii gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dhacay waddo xiriirisa degmooyinka Ceelbuur iyo sidoo kale deegaanka Ceel-qoxle, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in wadada ay u galeen ciidamada Itoobiya oo ka yimid dhanka degmada Dhuusamareeb, iyadoo dagaalka saacado uu socday.

Ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa halkaasi ku dhintey, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi.

Xaaladda halkii lagu dagaallamay saakay oo Talaado ah waa mid aad u deggan, hase ahaatee weli dhinacyadii dagaallamay wax war ah kama aaney soo kala saarin dagaalladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News