U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey Maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed ayaa ka dhacay deegaann ka tirsan gobolka Galagaduud, waxaana dagaalkaasi uu geystey Khasaare kala duwan .

Wararka waxay sheegayaan in dagaalkan xooggiisa uu shalay gelinkii dambe illaa habeenkii xalay ahaa uu ka dhacay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Balanbal iyo Xeraal ee gobolka Gaduud.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka lagu dagaallamey.

Dagaalkan ayaa ku billowday kadib markii xoolo dhaqato reer guuraa ah ay ku dagaallameen deegaan uu roob ka da’ay, taasina ay keentay in dagaalka oo xooggeysto, sidoo kalena Labada dhinac ay gurmad kala heleen.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ayaa u sheegay warbaahinta iney wadaan dedaal badan oo ku saabsan daminta dagaalladan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News