U bood dhigaalka

Macalimiin Masaari Oo Wax Ka Dhigi Doona Dugsiyada 15 May Iyo  Xasan Barsane

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada ayaa dhigeeda Masar heshiis kula gashay in Masaarida lagu wareejiyo maamulka iyo waxbasrashada hoose iyo dhexe ee dugsiyada caanka ah ee 15 May Iyo  Xasan Barsane.

Wareejinta  labada dugsi ayaa timid ka dib markii dawladda Soomaaliya iyo dalka Masar ay kala saxeexdeen heshiis ku aadan in Masar ay waxabarashada ka caawiso Soomaaliya  waxaana isla todobaadkan dalka yimi 15 macallin oo Masaari ah kuwaasi oo wax ka dhigi doona  labadan dugsi .

Maxamed Sacad Juuda oo ah  madaxa barnaamijkan wax barasho  oo 15-kan macallin hogaaminayey oo la hadlay Goobjoognews  ayaa sheegay in Masar oo hore Soomaaliya uga caawin jirtay dhinacyo ay waxbarashadu ka mid tahay  ay mar kale go’aansatay inay ku soo laabato Somaaliya sabab  ay ugu weyn tahay amniga  Soomaaliya oo soo wanaagsanaaday waxaanu yiri

“ Muddadii  uu hakadka galay  gargaarkii Masar ay siin jirtay Soomaaliya ee dhawr iyo tobanka amaba labaatanka sanno noqon karta  sababo xaaladihii amni ee ka jiray  Soomaaliya awgeed dib waxay  Masar u bilawday caawintaasi  ka dib markii amnigu wanaagsanaaday  oo aan ogaanay inay deganaashiiyo jiro waxaanu Soomaaliya isla garanay in caawinkasta oo suuro gal ah  u qabano gaar ahaan dhanka waxbarashada”.

Macallimiintan Masaarida ahi waxay noqonayaan  kuwa kaliya ee wax ka dhigi doona  labadan dugsi iyaga ayaana maamul noqon doona Soomaaliduna  shaqooyinka hoose ayey kala shaqayn doonaan .

Manhajka lagu baran doono labadna dugsi ee 15 may iyo  Sheekh Xasan Barsane  ayaa ah midka dalka Masar  looga barto dugsiyada hoose dhexe marka laga reebo madooyinka Taariikhda  iyo  juquraafiga oo labaduba ka warami doona dalka Soomaaliya, arrintaas waxaa ay ka wada shaqeyn doonaan wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya.

Madooyinka lagu baran doono labadan dugsi  waxa ku cusub oo aan dalka hore uga jirin barashada muusikada iyo fansharaxanimada wax lacag ahna lagama qaadi doono dhammaan ardayda.

Goobjoog News ayaa weyydiisay  madaxa barnaamijkan waxbarasho in  ujeedka dalka masar   ay caawinaadan nuucan ah u fulinayso ay tahay inay awood ku yeelato dalalka geeska Afrika  oo ay Soomaaliyana ka mid tahay  waxaanu  Maxamed Juda uu sheegay in  Masar ay markasta ka go’antahay caawinta walaalaheeda afrika iyada oo aanay siyaadsadi ku jirin  waxaanu intaasi ku daray  in dalalka  ay ka mid yihiin , Kenya, Sudan, Yuganda  iyo waliba Rwanda ay masar hore uga fulisay xarumo caafimaad iyo waxbarasho.

Barashada Luuqada carabiga ayaa ahaan doonta mid xooga lagu saari doono labadan dugsi oo xataa waxaa fursad u heli doona  qofkasta oo raba inuu barto sida uu sheegayo Maxamed Sacad Juda madaxa qaybtan

“ Barashada luuqada carabiga  waa nidaam lacag la’aan ah  oo waxa baran kara qofkasta oo doonaya oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo ku jira xayn-daabka waxabrashadan ay keeneen  masaarida timi Soomaaliya ‘ ayuu  yiri Mr Juda.

ilaa afar dugsi  uu ka mid yahay mid loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka masar Jamaal Cabdinaasir  oo ay masaaridu gacanta ku hayso ayaa dalka ka jiray  xilligii  dawladdii Madaxweyne Maxamed siyaad Barre  waxayna labadan dugsi ee hadda masaajirada lagu wareejiyey  oo hoose dhexe ku bilaabmaya ka dib qorshaynayaan  in waxbarasho dugsi sare ka fuliyaan Soomaaliya.

Macalimiinta dalka timid waxaa ka mid ah: Sacad Maxamed Juuda, Yusri Zakariya Axmed, Dr. Khalid Samir Za’id, Maxamud Safwa Al-Cadaar, Axmed Cali Muse Maxamed, Kheydar Maxamed Cabdo Al-sayid, Maxamed Gazi Cali, Maxamed Cabdi Casis Cabdul Muncim, Dhaariq Cali Saalix, Maxamed Cabdiraxim Maxamed Guneim, Najaax Cabdifadiil, Naaji Jaad, Ashraf Cali Cabdulahi.

Goobjoog News