U bood dhigaalka

Degmada Baraawe Oo Diyaar u Ah Martigelinta Shir Looga Hadlayo Nabadda Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maaamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay martigeliyaan shir looga hadlayo nabadda gobolkaasi.

Bashiir Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka degmada Baraawe oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shir nabadeedkan la qorsheeyay in degmadooda ka dhaco, kaasi oo daba socda shirar dib u heshiisiin ah oo horay loogu qabtay degmada Afgooye.

“Shirarka dib u heshiisiinta iyo is dhexgalka ah ayaa dhawaan ka dhici doona degmada Baraawe, horay waxaa loogu soo qabtay degmada Afgooye, amniga degmada Baraawe aad buu u wanaagsanyahay, dhammaan degmooyinka gobolkana shirarka sidan oo kale ah waa lagu qaban doonaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gobolka Shabellaha Hoose ka wada shirar dib u heshiisiin ah, waxaana shirar sidan oo kale horay loogu qabtay magaalooyinka Marka iyo Afgooye.

Goobjoog News