U bood dhigaalka

Degmada Hodon Oo Iska Xaadirisay fiinaalka Tartanka KubBadda Gacanta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Sheeko:Cayaaraha

Degmada Hodon ayaa usoo gudubtay fiinaalka tartanka kubadda Gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 kadib markii ay ka adkaatay degmada warta nabadda.

Kulanka oo ahaa kulanki koowaad ee semi finaalka tartanka waxaa kasoo kasoo qayb galay Lataliyaha Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga, Ibraahin Xuseen Cali Roombe, Guddoomiyhaa Isboortiga G, Banaadir Xasan Wiish, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadad Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan, Masuuliyiinta labada degmo iyo marti sharaf bahdii hore isbortiga.

Labada degmo ayaa soo bandhigay ciyaar xirfadeedu sareyso oo ay ka maqsuudeen masuuliyiinta iyo bahda jecel ciyaarta kubadda Gacnata oo garoonka Wiish si weyn usoo camiray, waxana 28-24 ay guusha ku raacday wiilasha uu hogaamiyo macallin Maxamed Yuusuf ee degmada Hodon,iyagoo koobkan difaacanaya..