U bood dhigaalka

Denmark Oo Ka Laabatey Dib Usoo Celinta 1,200 Qaxooti Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Dowladda Denmar ayaa maanta oo Talaado ah waxay ku dhowaaqday iney ka laabatay go’aankii ahaa in dalka dib loogu soo celiyo 1,200 ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo qaab qaxooti ah u joogey dalkaasi.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdaasi ayaa lagu shaaciyey in laga laabtey go’aankaasi kadib markii cadaadis badan ay kala kulmeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo ururo kale.

Maanta ayaa su’aallo la weydiinayey 400 oo kamid ah dadkaasi, balse waxaa si lama filaan ah kusoo baxay go’aankan ah in dib looga laabtey dib u celinta dadkaasi.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee dib usoo celintan looga baaqsaday ayaa ah amniga dalka oo aan weli xasilin kadib qaraxyo ka dhacay meello kamid ah dalka oo caasimadda Muqdisho ugu horreyso.

Dadkii horey loogu sheegay in dib loo soo celinayo ayaa farxad badan dareemay, waxaana qaarkood dadkaasi ay dib uga soo baxeen meelihii ay gambaadka ka dhiganayeen.

Dabayaaqada sanadkii 2016 ayaa dowladda Denmark waxay sheegtay in dalka ay kusoo celin doonto 1,200 oo qaxooti Soomaaliyeed ah kadib markii ay sheegeen in nabad ay tahay magaalooyinkii ay sheegteen iney ka yimaadeen.

Goobjoog News