U bood dhigaalka

Deymaha $5 billion Ee Soomaaliya, Halkee Ka Yimaadeen, Yaase Ku Leh?

Sheeko:Dalka

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay la tacaaleysaa hirgelinta barnaamijka NFD, kaas oo hirgelintiisa ay ku xiran tahay barnaamijyo badan sida wax ka qabashada faqriga iyo in laga cafiyo deymaha caalamiga.

Soomaaliya waxaa lagu leeyahay lacag dhan $5 billion, bixinta lacagtaas waxaa ay ku xiran tahay in deymo kale iyo dhaqaale ay hesho dowladda, si deyntaas loo mago, maanta qof kasta oo Soomaaliya ah oo nool waa in uu bixiyaa $361.

Deymaha dibadda ee Soomaaliya lagu leeyahay waxaa ay gaarayaan $5 billion, waxaana deymahaasi ku leh dalal qani ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Fransiiska iyo Talyaaniga, waxaa kale oo deynta ku leh hey’ado iyo xukuumado dariska ah oo uu ka mid yahay sanduuqa Carabta.

Soomaaliya waxaa  sidoo kale $325 million oo deyn ah ku leh hey’adda lacagta adduunka ee International Monetary Fund, halkan ayey mushkiladda ka jirtaa, waayo dalalka aan bixin deynta IMF-ta kama heli karaa dhaqaale ama deyn hey’adaha iyo dalalka kale.

Haddii IMF-ta deynteeda xal loo helo Soomaaliya waxaa ay qeyb ka noqon kartaa barnaamijka World Bank ee International Development Association (IDA) oo bixiya  $75 billion oo dalalka ay waqti dheer u heli karaan iska bixinta deyta iyada oo dul-saarka uu yar yahay.

Deynta hadda Soomaaliya lagu leeyahay, inteeda badan waaa deyn waqti hore ah, 90% deynta waxaa ay Soomaaliya gashay 1980-yadii iyo wixii ka horeeyay, 2/3 dadka Soomaaliya hadda jooga maba dhalan.

Deymahaasi waxaa soo qaadatay dowladdii siyaad Barre, waana markii ay isku dhaceen Soomaaliya iyo midowga Soviet , in ka badan kala-u-bar $973 million lacagta uu Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya waa hub, waxaana lagu booriyay IMF-ta in ay hubiso hirgelinta Soomaaliya ee barnaamijka SAP.

Waxaa jiray 1990-yadii la hirgeliyay barnaamij lagu magacaabao (HIPC), waa hindise loogu talo-galay dalal 36 ah oo IMF-ta u sameysay barnaamij-kaas  isla xisaabtan-ka ah, si loo gaaro waddo ah in dib looga qaado xayiraadda deyn-siinta, dalalkii 36da ahaa, waxaa hadda qaati laga taagan yahay Soomaaliya, Eritrea iyo Sudan, 33-da kale liiska waa laga saaray, waxaa ayna la tacaamulaan hey’adaha lacagta iyo dalalka kale.

Goobjoog News