U bood dhigaalka

Dhageyso: Maxamad Ku Taalla Maraykanka Oo Maanta Go’aan Ka Gaareysa Ku Dhowaad 100 Qof Oo Soomaali Ah

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ayaa maanta go’aan ka gaaraysa maxaabiis Soomaaliyeed oo ku dhow 100 qof, kuwaas oo ku xiran magaalo ku taalla gobolka Florida.

Dhallinyaradaan Soomaalida ah oo dalka Maraykanka ku galay sharci darro ayaa sanadkii tegay loo diiday in la siiyo aqoonsiga dalkaasi ay ku joogaan, kaddib markii wadamo ay kamid tahay Soomaaliya uu madaxweyne Donald Trump ka mamnuucay inay u safraan gudaha Maraykanka.

90 dhallinyaro ah ayaa ku xir-xiran xabsi ku yaalla magaalada Miami ee gobolka Florida iyadoo khamiista maanta ah lafilayo in xaakimka maxkamadda magaaladaasi uu go’aan ka gaaro.

Maxmuud Muuse Xasan oo ka mid ah xisbiga dimuqraadiga ee gobolka Minnesota sidoo kalena u dhaqdhaqaaqa Soomaalida Maraykanka ku nool, ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in 90 dhallinyara ah ay ku xirxiran yihiin Maraykanka.

Wuxuu sheegay in rajo fiican ay ka qabaan go’aanka xaakimka uu ku dhawaaqi doono, waxaana arrintaasi haddii sida Maxamuud sheegayo ay noqoto ay suurtagal tahay in dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed ay fursad u siiso in Maraykanka ay iyaguna ku noolaadaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News