U bood dhigaalka

Dhageyso: Qabiir Dhanka Ammaanka Ah Oo Rajo Ka Muujiyey Waxqabadka Xerada Cusub Ee Turkiga Ka Furtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Korneel Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka ammaanka ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey waxqabadka xerada cusub ee ciidan, taasi oo shalay dowladda Turkiga ka furatay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Roobow in xeradan ay aad uga muhiimsan tahay ciidanka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in markiiba lagu tababari doono 1,500 oo askari.

Sidoo kale waxa uu Shariif Roobow uu sheegay in ciidamada lagu tababaro xeradan ay waxbadan kaga duwanaan doonaan kuwii horey dalka loogu soo tababaray xitaa ciidanka AMISOM.

Waxyaabaha ugu daran ee ciidamada Soomaaliyeed dib u dhigi jirey ayuu sheegay iney ahayd in tababar aan badneyn lasiiyo kadibna aan qalab lasiin, balse hadda ciidamada heli doonaan tababar buuxa iyo sidoo kale qalab dhameystiran.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News