U bood dhigaalka

Dhageyso: Qaxootigii Dib Ugu Soo Laabtay Dalkooda Oo Loo Raadinayo Xuquuqdooda

Sheeko:Dalka

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka ayaa sheegtay iney ku dedaalayso sidii xaqooda ay ku heli lahaayeen qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabtay dalkooda, welina dhibaateysan.

Guddoomiye ku xigeenka hay’addan Maxamed Amiin C/laahi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in shirka shalay ka furmay Muqdisho ee arrimaha qaxootiga uu wax badan u qaban doono qaxootiga dalkooda dib ugu soo laabtay.

Wuxuu tilmaamay in ay jiraan barakacayaasha gudaha oo Labi Milyan gaaraya, dowladana aanay kaafin karin, haddii aanay caalamka kaalmo ka helin.

Wuxuu sheegay in guud ahaan barakacayaasha iyo qaxootiga soo laabtay wax loo qaban doono, haddii la helo Hal hadaf oo siyaasadda qaxootiga wax looga qabanayo.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News