U bood dhigaalka

Dhageyso: Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Dhowaan Ay Bilaabayaan Dib Usoo Nooleynta Mashruucyadii Dalka

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasabad habeenkii xalay ahaa ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayuu uga hadlay arrimo aad u badan.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay arrimaha amniga ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2018 ay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada isku raaceen in la qabto Hal arrin oo kaliya, kaasi oo ah in Al-shabaab laga adkaato.

“Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada waxay isku waafaqeen in sanadka soo socda uu ahaado sanad laga shaqeeyo Hal shey oo kaliya, in laga adkaado cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab”

Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadalkiisa sii watey ayaa dhinaca kale sheegay in bisha soo socota ee December ay IMF iyo World Bank ay ka sugayaan iney u sheegaan in dowladda ay ka gudubtay mid kamid ah tallaabooyin dhib badan, laguna aamino dhaqaale aan horey Soomaaliya loogu aaminin.

“Sideed Bilood ayaan joognaa waxaan rajeyneynaa in bisha December inoo sheegaay IMF iyo World Bank shaqadii aan soo qabannay darteed, inaan ka gudbi doonno tallaabooyinkii ugu dhibka badnaa mid kamid ah oo naloo aqoonsan doono in shaqada aan qabannay awgeed nalagu aamino dhaqaale aan horey naloogu aamini jirnay, mudada aan joogno waxaa la bilaabay in nala siiyo dhaqaale ay dowladda Soomaaliyeed iyadu maamusho, waxaan rajeyneynaa in mar dhow aan bilaabi doonno dib usoo nooleynta mashruucyadii dalka oo ay kamid yihiin dhisidda jidadka iyo dhisidda dhismooyinka dowladda iyo dowlad goboleedyada Soomaaliyeed” Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaasi yiri.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubno kamid ah golahiisa wasiirada ayaa safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News