U bood dhigaalka

Dhallinyarada Ku Xiran Dalka India Oo Fariin Usoo Direy Madaxda Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India ayaa weli waxay ka cabanayaan dhibaatooyin badan oo ku haysta halkaasi, iyaga oo rajo xumo ka muujiyey in si degdeg ah ku helaan cadaaladda.

Qaar kamid ah dhallinyaradan oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan arag safaarad Soomaaliyeed oo dhexda u xiratay, islamarkaana wax ka qabta xaaladda ay ku sugan yihiin.

Waxyaabaha adag ee hadda haysta dhallinyaradan waxaa kamid ah cunno xumo, jiif la’aan iyo caafimaadkooda oo aad u liita.

“Annaga illaa hadda cid inoo timid maleh, maxkamadda go’aan bay gaareysaa ayaa la yiri illaa haddana waxbo ma aragno,  safaaradda dad ka socda baa markii hore inoo imaan jirey balse illaa hadda ma hayno cid inoo damqata ama noo timaada, cunto ma haysanno, meesha aan jiifno waa dhagax, caafimaadkeenna waa uu liitaa, waxaan dalbaneynaa in degdeg meeshan nalooga saaro” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dhallinyarada ku xiran dalka India oo u waramay Goobjoog.

Dhallinyaradan ayaa dhanka kale waxay fariin u direen madaxweynaha dalka hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota, waxaana ay ugu baaqeen in shaqada ugu horreysa ee uu qaban doono madaxweynaha la doorto ay noqoto in iyaga xabsiga uu kasoo daayo.

Dowladda India ayaa dhallinyaradan Soomaaliyeed waxay ka xirtay biyaha dalka, waxaana ay ku eedeysay iney kamid ahaayeen burcad badeedda Soomaalida.

Goobjoog News