U bood dhigaalka

Dhallinyaro Soomaaliyeed Oo Ka Cabanaya Nolol Xumo Ku Haysata Xabsiyo Ku Yaalla Kenya

Sheeko:Dalka

Xabsiyo ku yaalla dalka Kenya waxaa ku xiran dhallinyaro Soomaaliyeed oo intooda badan loo soo qabtay falal la xiriira Burcad badeednimo kuwaasi oo haatan sheegaya in xaalad adag oo dhanka nolosha ah halkaasi ku hayso.

C/raxmaan Xasan Cali waxa uu ka mid yahay dhallinyaro dhowr sano ku xiran xabsiyadan, waxa uu sheegay in aysan halkaasi ku haysan daryeel wanaagsan.

Sidoo kale C/raxmaan oo la hadlayey VOA ayaa sheegay in dhallinyarada hadda isaga la xiran ay tiradoodu gaareyso 70, islamarkaana aysan arag cid daba socota sida safaarad iyo sidoo kale qareenno iyaga u dooda.

“Annaga markii nala soo qabanayey waxaan ahayn kalluumeysato, Markab NATO ah ayaa nasoo qabtay waxaana nalagu eedeeyay inaan nahay burcad badeed, meeshaan nala keenay muddo markii aan ku jirnay ayaa xukunno nalagu riday, waxaa jira dad xukunka dhameystay laakiin inta hadda aynu nahay 70 waan gaareynaa” ayuu yiri C/raxmaan.

Dalal badan oo Kenya ku jirto ayaa gacanta ku haya dhallinyaro badan oo maxaabiis ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay kamid ahaayeen burcad badeedda Soomaalida.

Goobjoog News