U bood dhigaalka

Dhibaatada Suuriya Oo Hareyn Doonta Shirka Jimciyadda Qaramada Midoobey

Sheeko:Dalka

Dhibaatada ka jirta dalka Suuriya ayaa la sheegayaa in ay hareyn doonto shirka jimciyadda qaramada midoobey ee New York.

In ka badan 135 hogaamiye iyo Wasiirro tiro badan ayaa isugu tagi doona xarunta jimciyadda qaramada midoobey ee New York si looga hadlo arrimo badan caalamka khuseeya.

Shirkan waxaa uu ku soo beegmayaa xilli Mareykanka iyo Ruushka ay wadaan in xabad-joojin ka hirgasho dalka Suuriya, iyadoo Obama sidoo kale uu riixayo in si guud garggaar loola gaaro qaxootiga.

Kooxda looga magacradaray Members of the International Syria Support Group (ISSG) oo ah kooxda daneysa arrimaha Soomaaliya waxaa lagu wadaa in ay shir u yeeshaan New York, si ay uga wada hadlaan arrinta Suuriya

Shirka 71-aad ee jimciyadda qaramada midoobey oo lagu wado in uu dhaco todobaadka dambe waa shirkii ugu dambeeyay ee ay ka qeybgalaan Xogheyaha guud ee qaramada midoobey Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama.