U bood dhigaalka

Dhuusa-Mareeb Oo Marti-gelineysa Heshiis Lagu Soo Af-jarayo Kala Maqnaanshiyaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa saacadaha soo socda marti-gelin doonta shir lagu saxiixi-doono heshiis kama dambeys ah oo dhex mara maamullada Galmudug iyo  Ahlu sunna.

Warar ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in ay ku sugan yihiin madax ka socota dowladda federaalka ah, madaxda maamul goboleedyada, beesha caalamka iyo marti sharaf leh, dadkaasi oo marqaati ka noqon-doona heshiiska labada dhinac.

Heshiiskan kadib waxaa lagu wadaa in Sheekh Shaakir uu si rasmi u noqdo madaxa xukuumadda Galmudug, sidoo kale in la isku daro Xildhibaannada labada maamul, lana qeysado jagooyinka ugu waaweyn.

Ahlu-sunna waxaa ay qeyb ka aheyd heshiiska maamul u sameynta Galmudug, iyada oo ka mid aheyd saxiixayaashii heshiiskii  July 30, 2014 ee qalinka ku duugeen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid : Galmudug, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye : Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Cabdullaahi Maxamed Cali Baarleex : Ximan iyo Xeeb iyo rag dowladda federaalka ah ka socday sida Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow, Ducaale Aadan Maxamed, Axmed Cali Salaad Taako  iyo Mahad Axmed Salaad.

In kasta oo natiijada maamul goboleedkii heshiiskaasi  ka dhashay Ahlu-sunna wax laga siiyay hadana kuma qancin oo garabyo badan ayey yeelatay kooxda, waxaa ay qabsatay magaalooyin ay ku jiraan caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

Sanadkii hore, dadaallo badan oo dowladda federaalka ah, Djibouti iyo hey’ado kale bixiyeen waxaa la gaaray heshiis hor-u-dhac ah.

December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah,  waxay si rasmi ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Dhuusa-mareeb ku soo khatimaya socdaal-ka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee uu ku tagay Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News