U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Jadwalka Doorashada Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Dib u dhac ayaa ku yimid jadwalka doorashada maamulka Hirshabelle, kaasi oo dhowaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Maanta oo ah 12-ka October, waxaa jadwalka ku xusan in xildhibaannada baarlamaanka Hirshebelle ay doortaan guddoomiyahooda, hase ahaatee ma aaney dhicin oo jadwalkaa dib u dhacay, waxaana uu kasoo billowday maalintii shalay ahayd oo qorshaha ahaa in la dhageysto khudbadaha musharraxiinta guddoonka baarlamaanka.

Waxaa lagu wadaa in maanta ay dhacdo dhageysiga khudbaha musharraxiinta guddoonka baarlamaanka, iyadoo meesha ay ka muuqato dib u dhac degdeg ah oo ku yimid jadwalkii doorashada.

Maanta oo 12-ka October ah waxaa jadwalka ku xusan in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka, halka 15-ka bishanna uu ahaa qorshaha in la doorto madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Inta badan jadwalada kala duwan ee doorasho haddii ay ahaan lahayd mid Federaal iyo mid maamul goboleed waxaa ku yimaada dib u dhacyo aan horay loo sii shaacin.

Goobjoog News