U bood dhigaalka

Dibad-Baxyo Lagu Diiddan Yahay Trump Oo Ka Dhacay Mareykanka

Sheeko:Dalka

Saacado uun kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada Mareykanka, waxaa niyad jab ka muujiyay dad badan oo Mareykan ah.

Inkasta oo Madaxweyne Obama uu la hadlay Labada musharrax, in kasta oo Hillary qiratay guul-darrada, balanna ku qaaddey wada shaqeyn, hadana taageerayaal badan oo Dimoqoraadi ah waxaa ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Dibadbaxyo ay dhigayaan dad careysan ayaa ka dhacay New York, Chicago, Los Angeles, Richmond iyo Portland, Ore, ilaa dhowr kun ayaa la sheegayaa in magaalooyinka ku mudaaharaadeen iyagoo gaaray ilaa Hotel uu trump ku leeyahay Chicago.

Waxaa kaloo ay dibadbaxyadaan ka dhaceen Atlanta, Dallas iyo Kansas, meelaha qaar waxaa la sheegayaa in dadka ay buuq iyo rabashado ka dhigeen.

Dhinaca kale, madaxda caalamka oo ay ka mid yihiin madaxda dalalka Soomaliya, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska, Isra’il, Turkiga, Masar, Filipin, Malaysia, Qaramada midoobey, Hindiya, Pakistaan iyo dalal kale ayaa wacay Dolland Trump una hambalyeeyay, iyagoo balan-qaadey in ay la shaqeyn doonaan.

005 004 003 002 001

Goobjoog News