U bood dhigaalka

Diyaarad Qaad Ka Keentay Dalka Kenya Oo Kasoo Degtay Degmada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Saakay oo Khamiis ah ayaa lagu soo waramayaa in diyaarad Qaad ka keentay dalka Kenya ay kasoo degtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee maamulka Puntland ayaa la sheegay in diyaaradan ay kasoo degtay kadib markii maalintii shalay ahayd aan magaaladaasi Qaad la geyn.

Wariyaheena Cali Cayn ayaa soo sheegay in ganacsato badan ay u dabaaldegayaan Qaadkaan la keenay iyo sidoo kale dadka Qaadka isticmaala, maadaama aanay shalay helin Qaad.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in diyaarado kale oo Qaad wada ay ku wajahan yihiin deegaannada Puntland ka arrimiso, iyadoo taas ay muunjineyso sida maamulka Puntland uga horyimid Ammarkii dowladda Federaalka ku hakisay Qaadka.

Goobjoog News